Maraykanku wuxuu Soomaaliya u sheegay in ay doorasho ku qabato inta ka dhiman sanadkan ama ka hor dhammaadka sanadka, sida ay lagu xusay war kasoo baxay U-Qaabilsanaha Dawlada Maraykanka ee Arimaha Afrika.

Warka Maraykanka ayaa yimi kadib kulan dhex maray wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Mary Phee, haweenayda u qaabilsana Afrika ee wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan xarunta wasaaradda arimaha dibadda ku qaabilo wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya. Halkaas oo aan u sheegay in gudida doorashooyinka ee Soomaaliya ay tahay in ay dhammaystiraan doorashada inta aanu dhammaan sanadkani” ayaa lagu yidhi warka Maraykanka ee u qaabilsanaha Afrika.

Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa kulankan ku sifeeyay mid midho dhal ahaa, oo lagaga wada hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga