Nin haysta dhalashada dalka Ingiriiska balse asal ahaan Soomaali ah ayaa loo haystaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Ingiriiska.

Eedaysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali, 25 jir, wuxuuna hadda ku xidhanyahay xarun boolis oo London ku taala, iyadoo baadhitaan lagu wado.

Xildhibaan Sir David Amess ayaa la tooriyeeyay iyadoo ninkan laga shakisanyahayna lagu qabtay goobta, booliskuna ay rumaysanyihiin in uu isagu ka danbeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga