Waddooyinka Beyruut ayay rag hubaysani rasaas oodda iskaga qaadeen iyadoo magaaladan maanta laga dhigayo baroor diiq ay dawladdu ku dhawaaqday.

Shalay waxay caasimadda Lebonan u ahayd maalin madaw oo dad badani ay ka argagaxeen waxa ka dhacay badhtamaha magaalada.

Dhimashada lix qof ayaa la xaqiijiyay iyo dhaawaca tiro kale oo dhamaantood ku waxyeeloobay rasaasta ay is waydaarsadeen kooxaha iskasoo hor jeeday.

Xabadda ayaa qaraxday kadib markii magaalada ay ka bilaabeen mudaharaad kooxaha muslimka Shiicada ah oo iyagu diidanaa baadhitaanka xaakim dhacdadii qaraxa ee dekedda ka dhacday baadhaya. Waxay sheegeen in la siyaasadeeyay kiiska baadhitaanka qaraxa, oo ay tahay in meesha laga saaro mid ka mid ah xukaamta ka garnaqaysa kiiska.

Kooxda Xisbullah oo mudaharaadka abaabushay ayaa ku eedaysay kooxaha Kiristanka ee dalka Lebonan in ay ka danbeeyeen, kuwaas oo iyaguna iska fogeeyay masuuliyadda isku dhacyada iyo ragga weerarka bilaabayba.

Saacado badan ayay socotay is rasaasayntu ka hor inta aan xaaladda degenaansho lagusoo celin, waxaana jira dad badan oo guryahooda ay rasaastu ugu tagtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga