Shiinaha ayaa la tacaalaya xakamaynta virus-ka cusub ee dhawaan ka dilaacay qaybo ka mid ah waddankaas, oo si xawli ah u fidaya.

Inta la xaqiijiyay 9 qof ayaa u geeriyooday caabuqa wuxuuna saameeyay dad ka badan 400 oo qof oo cisbitaalada ooo qaaday.

Dawladda Shiinaha ayaa dadka uga digtay in ay u safraan magaalada Wuhan oo uu kasoo tafiirmay caabuqu.

Dadka lagu arkay ahaa leh astaamo, xummad, neefta oo uu adkaata iyo qufac ah. Waxaana hadda lagu arkay dad uu soo ritay wadamada Maraykanka, Koonfurta Kuuriya iyo Thailand.

Khubarada caafimaadka ayaa xaqiijiyay in caabuqu aanu hore ugu dhicin aadamaha, isla markaana ay wali badhayaan.

Waxa la ogaaday in uu kasoo bilaabmay suuq lagu iibiyo cuntooyinka badda, iyo qaar ka mid ah xayawaanka kale oo aan bad-qabkiisa la hubin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga