Maanta oo Salaasa ah, ayaa la filayaa inay dhacdo dacwad-dhegaysiga ka dhanka ah madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald J. Trump iyadoo ay tahay markii saddexaad ee ee codka kalsoonida loo qaadayo madaxwayne Maraykanka ah.

Dacwad-oogistan oo ka furmaysa Aqalka Sare oo Maraykanka oo  gudanaya waajibaad garsoor, ayaa laga yaabaa inkasta oo ay aad u adagtahay in xilka lagagaba qaado madaxwayne Trump taasoo haddii ay dhacdo ay noqon doonto arrin lama filaan ah. 

Dacwadda ka dhanka ah Madaxwayne Trump, ayaa marka dacwad ahaanteeda loo eego ah dhacdo-taariikhdeed wayn oo ka dhacaysa dalka Maraykanka.

Sida shuruucda u taal dalka Maraykanku dhigayaan, sababaha ugu waawayn ee uu madaxwayne Maraykan ahi xilka ku waayi karo ayaa waxaa kamid ah ‘’khiyaamo qaran’’ iyo kutagri-fal awoodeed iyadoo waxyaabaha ugu waawayn ee Mr. Trump lagu eedeeyayn ay yihiin ku tagri-fal awoodeed iyo inuu dawladda waddanka Ukraine doonay inuu gargaar Militari kaga bedesho in ay dacawad kusoo oogaan qof ay siyaasad ahaan isku hayaan kaasoo ah madaxwayne-ku-xigeenkii hore ee dalka Maraykanka Joe Bidden

Dacwadda la filayo maanta, ayaa waxay imanaysaa xilli aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanku ku eedeeyeen Mr. Trump inuu baalmaray Congress-ka kadib markii uu diiday inay shaqaalaha aqalka cad horyimaadaan aqalka Congress-ka si ay u sameeyaan qiraal.

Dadwaynaha adduunka, ayaa ka dhursugaya halka ay ku dambayso dacwadda madaxwayne Trump ee aqalka sare taasoo ah mid si wayn indhaha loogu hayo.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga