Daalibaan waxay ugu danbayn aqbashay heshiis laga gaadho colaadaha ka aloosan Afkaanistaan oo ah dal dhaca koonfurta qaaradda Asia.

Go’aanka kooxda ayaa imanaya xili dagaalamayaahseedu ay wadaan duullaan culus oo ay kula wareegeen magaalooyin waawayn iyo kuwo istaraatiji ah todobaadadii lasoo dhaafay.

Haibatullah Akhunzada, hogaamiyaha ugu sareeeya ururka Daalibaan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay isla markaana door bidayo heshiis siyaasadeed oo lay galaan xukuumadda madaxweyne Ashraf Qaani.

Hogaamiyaha Daalibaan wuxuuna marnaba meesha ka saarin damaca kooxda ee ah in la helo mar uun dawlad SIlaami ah oo maamusha Afkaanistaan-ta ay colaaduhu baabiiyeen tobanaanka sanno ka socdaa.

Labada dhinac, waa Daalibaan iyo dawladda Afkaanistaan e’, ayaa isla qaatay wareeg kale oo wada hadalo nabadeed ah oo toodbaadkan ka dhici doona magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, halkaas oo dhinacyadu ay hore ugu saxeexeen heshiisyo nabadeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga