Soomaaliya waxay ka hor timi qorshe cusub oo uu wado Midawga Afrika iyo AMISOM kaas oo wax lagaga bedelayo hawl galada ciidamada AMISOM ee gudaha dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Muqdisho waxay sidoo kale diiday warbixin dhawaan ay si rasmi ah usii dayn doonaan koox dusha kala socotay hawlgalada AMISOM ee Soomaaliya, warbixintaas oo lagu tilmaamay in ay ku jiraan arimo Soomaaliya lidi ku ah iyo kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Warbixinta waxayaabaha lagu xusay waxa ka mid ah in Soomaaliya aanay lahayn adeegyada caafimaadka, meelaha lagu shaqeeyo, xarumaha wax barashada iyo adeegyada kale ee dawladda.

Hawl-galada AMISOM ayaa la rabaa in wixii ka danbeeya sanadkan ay maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika, arintaas Soomaaliya ay diiday.

Codsi arintan ku aadan ayuu Midawga Afrika u dirayaa Muqdisho, balse uma muuqato mid meel mar noqonaysa.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale la siinayay awoodo dheeraad ah sida uu damacsanyahay Midawga Afrika, taas oo aanay ku niayad samayn dawladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga