Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer  ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo xafiiska Ra’iisal-wasaaraha ka soo baxay, waxa uu Ra’iisal-wasaare Xamse kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo u sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanta kalena ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ciidamada Midawfa Afrika ee ATMIS marka la gaadho sanadka 2024.

Waxa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee dagaalyahannada Ururka Al-shabaab looga sifeynayo dalka, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga