Ciidamada kala duwan ee dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sameeyey dhoola-tus millatari oo lagu soo bandhigay Isticmaalka xeeladaha la isugu diyaariyo noocyada kala duwan ee dagaalka, iyadoo ay dhoola-tuskaasina ay qayb ka ahaayeen isticmaalka gantaalaha ridada dheer.

War maanta ka soo baxay Dawladda Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu sheegay in dhoola-tuskan ay ciidamadeedu sameeyeen loogu talogalay u diyaargarawga dagaalkasta oo la isku adeegsado hubka nugliyeerka loo isticmaalo furimaha dagaalka, waxayna dawladdu sheegtay in dhoolatuskaasi yahay mid fariin gaar ah loogu dirayo cidkasta oo cadaw u ah dalkaasi, sida warka lagu sheegay.

Muddada lagu jiray dhoola-tuskan millatari ee ay sameeyeen Ciidamada Waqooyiga Kuuriya, waxa ay dhinaca biyaha badda galbeedka ee dhulka Kuuriya loo riday laba gantaal oo xambaarsan madaxda nugliyeerka, iyadoo ay gantaalahaasina jareen masaafo dhan 1,500km oo u dhiganta 930 mayl, taas oo walaac ku abuurtay Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka.

Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale tilmaantay inay diyaar u tahay dagaal kasta oo ay la gasho Koonfurta Kuuriya iyo Maraykanka oo ay ku eedaysay inay si joogto ah daansaansi ugu sameeyaan dalkeeda, waxayna Xukuumada Waqooyiga Kuuriya sheegtay inay ciidan ahaan iyo farsamo ahaanba xiligan u diyaarsan tahay inay iska difaacdo farogelin kaga timaada Maraykanka iyo xulafadiisa kala duwan.

Dhoola-tuskan millatari ee ay sameeyeen ciidamada Waqooyiga Kuuriya ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawr jeer oo hore dalalka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya si wada-jir ah u sameeyeen dhoola-tus ciidan oo lagu muujinayo iskaashiga millatari ee labadooda dal u dhexeeya, tallaabadaasi oo ay mar walbana cambaarayso Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga