Dawladda Ruushka ayaa  markii u horaysay taariikhda waxay si rasmi ah u ogolaatay in dalkaasi laga sharciyeeyo isticmaalka baananka Islaamiga ah ee ku shaqeeya shareecada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horaantii bishii la soo dhaafay August 2023 waxa uu digreeto ku soo saaray in baananka ku shaqeeya shareecada islaamku ay si tijaabo ah uga shaqayn karaan Gobolo ka mid ah dalka Ruushka, iyadoo muddadaasina ay bilaaban tahay 1 September 2023 oo Jimcihii shalay ku beegnayd, kuna eegtay isla 1 September 2024.

Isticmaalka baananka islaamiga ah ayaa muddadaas tijaabada ah waxay si buuxda uga shaqayn doonaan Degaannada ay ku badan yihiin muslimiinta ku nool dalka Ruushku, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gobolada Tatarstan, Bashkortostan, Chechnya iyo Dagestan, iyadoo muslimiinta ku nool dalka Ruushka lagu qiyaasay inay tiro ahaan dhan yihiin ilaa 25 milyan oo qof oo badankoodu ku nool yihiin degaannada laga hirgeliyey baananka ku shaqeeya nidaamka shareecada islaamka.

Baanka Islaamiga iyo hannaanka maaliyadeed ee ku shaqeeya shareecada islaamka ayaa hore looga isticmaali jiray degaannada dadka muslimiinta ahi ka degan yihiin dalka Ruushka, balse tallaabadan ay hadda qaaday dawladda Ruushku ayaa noqonaysa markii u horaysay ee si sharci ah loo ogolaado in baananka islaamiga ah laga isticmaalo qaybo ka mid ah dalkaasi.

Sida ku cad wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Ruushka, haddii muddada labadaas sanno ah lagu guulaysto tijaabadan isticmaalka baananka islaamka ah, waxa ay dawladda Ruushku sharciyeyn doontaa in baananka ku shaqeeya shareecada islaamka si buuxda looga wada furo dhammaanka degaannada kala duwan ee dalkaasi.

Dalka Ruushka iyo inta badan dalalka kale ee reer galbeedka ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey dhaqaale burburkii dunida ka dhacay sannadkii 2008 waxay ka fikirayeen qorshayaal lagu isticmaali karo baananka ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah, kadib markii la ogaaday in bangiyada shareecada ee caalamku ay ka badbaadeen dhibaatooyinkaas dhaqaale burbur ee hore dunida uga dhacay.

Bulshada muslimiinta ah ee ku nool Ruushka iyo dalalka kale ee islaamka oo ay ugu horeeyaan hay’adaha ku shaqeeya hanaanka maaliyadeed ee islaamiga ah ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aankan ay dawladdu Ruushku qaadatay ee la xidhiidha in bangiyada islaamiga ah si sharci ah uga hawlgalaan dalkeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga