Uhuru Kenyatta wuxuu wefdi culus u diray dalka Soomaaliya, si labada waddan ay uga wada fadhiistaan shaqaaqooyinka ka jiray xadka ay wadaagaan.

Wefdi uu hogaaminayo wasiirka saamaynta badan leh Fred Matiangi, oo ah wasiirka arimaha gudaha qaybna ka yihiin madaxda ammaanka Kenya ayaa la kulmaya madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Labadan waddan ee ku yaala bariga qaaradda Afirka ayaa todobaadadii lasoo dhaafay eedaymo kala duwan hawada isu mariyay.

Dagaaladii ka dhacay gobolka Gedo ee u dhaxeeyay ciidaamada dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa saameeyay deegaanada xadka Kenya gaar ahaan magaaloyin ay Mandheera ka mid tahay. Taas oo keentay xiisada cusub ee labada waddan ka dhex taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga