Kiiskii ugu horeeyay ee dhimasho ah aya lagu arkay qaaradda Afrika, kaas oo geeriyooday caabuqa dilaaga noqday ee Covid-19 oo todobaadadiii lasoo dhaafay kumanaan qof caalamka ku dilay.

Dalka Masar ayuu qof caabuqan qabay u geeriyooday sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku. Wuxuu ahaa nin u dhashay waddanka Jarmalka, kaas oo todobaad ka hor dalxiis ahaan u tagay dalka Masar.

Tirada dadka caabuqa qaaday ee dalka Masar ayaa kor u dhaafaya 45 kiis iyadoo wali uu ku fidayo waddanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga