Dawladda Talyaaniga ayaa in ka badan 16 million oo ka mid ah shacabkeeda xanibaad kusoo rogtay, kadib caabuqa Covid-19 oo kusii fidaya gudaha dalkaas. Waa waddanka koobaad ee Yurub ugu dhimashada badan xanuunka Covid-19, iyadoo dadka qaaday xanuunkana uu ugu badanyahay guud ahaan Yurub.

Dadka ku dhaqan gobolka Lombardy iyo 14 gobol oo yar yar oo ka tirsan dalka Talyaaniga ayaa la xadiday socdaalkooda. Magaalooyinka waawayn ee Milan iyo Venice ayaa ku jira deegaanada socdaalka laga mamnuucay.

Tirada dhimashada ayaa gaadhay 230 qof gudaha Talyaaniga halka dad u dhaxeeya 1,200 illaa 5,883 oo qofna ay caabqua qaadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga