Turkiga ayaa raba in dib loo hagaajiyo xidhiidhka uu la lahaa Maraykanka kadib sanado uu mad madaw badani soo kala dhex galay Ankara iyo Washington mudadii uu Aqalka Cad u talinayay Donald Trump, madaxweynihii qasay xidhiidhka uu Maraykanku la lahaa dunida.

Madaxweynaha dalka Turiga Recep Erdogan ayaa sheegay in dawladdiisu ay dananayso xidhiidh dhaw oo ay la yeelato maamulka cusub ee Joe Biden.

Erdogan wuxuu rabaa is-kaashi laba geesood ah oo salka ku haya danaha labada waddan, iyadoo la tixgalinayo kala-aragti-duwanaanshaha labada waddan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirada arimaha dibadda ee Turkiga iyo Maraykanka ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dhinac iyo muranada soo kala dhex galay muddooyinkii danbe.

Maraykanka ayaa isaguna danaynaya in dib boodhka looga jafo xidhiidhkiisa Turkiga, balse dhinacyada ayaa shuruudo isku xidhaya taas oo gaabis ka dhigi karta isku soo dhawaanshahooda.

Labada waddan ee xulafada NATO ka wada tirsan ayaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn muddooyinkii lasoo dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga