Ciidamada ayay kala qaateen kadib bilo ay milatarigooda kusoo daabulayeen xadka, isla markaana tobanan askari Hindiya lagaga dilay.

Shiinaha iyo Hindiya waxay ku heshiiyeen in si buuxda ay u kala gurtaan ciidamadooda bilaha isku hor fadhiyay xadka ay wadaagaan labadan waddan ee awoodda ku leh qaaradda Asia.

Deegaano dhaca buuraha Himilaaya ayay labada waddan ku muransanyihiin iyadoo dhinac waliba uu ka kale ku eedaynayay xiisadda isku dhacyada hor seeday ee halkan ka jirtay.

Waxa la arkayay gawaadhida milatariga iyo diyaaradaha qumaatiga u akca oo daabulaya kumanaan askari oo hore xadka ay u keeneen labada dal.

Shiinaha iyo Hindiya waxay wadaagaan xuduuda ugu dheer dunida ee lagu muransanyahay. Meelo badan oo xadka labada waddan ah malaha astaan muujinaysa meesha uu ku egyahay xadku taas oo loo tirinayo in ay qayb wayn ka tahay khilaafka xadka iyo sheegashooyinka labada dhinac.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga