Milatariga dalka Turkiga ayaa mar kale bilaabay dhoola-tusyo sanadle ah oo ay ka wadaan waqooyiga jasiiradda Qubrus iyo bariga badda Mediterranean-ka. Maalintii Aaxadda ayay si rasmi ah u bilaabeen dhoola-tusyada oo wali socda.

Dhoola-tusyo loogu yeedhay ‘dabaysha Mediterranean-ka’ ayay wadaan Turkidu, sida uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga Fuad Oktay.

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa iyaduna war ay soo saartay ku sheegtay in dhoola-tusyada oo dhammaan doona maalinta Khamiistu ay u socdaan sidii loogu talo galay.

Waxay kusoo beegmaysaa xili xiisadda gobolkaasi ay wali kacsantahay, wadamaduna aanay iskugu iman wada hadal qorshaysnaa. Wada-xaajood ayaa la rabay in wadamada Turkiga, Giriiga iyo Qubrus ay ku xaliyaan xiisadda ka dhex aloosan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga