Dekedda magaalo xeebeedka Boosaaso ee maamulka Puntland waxa xalay laga dhoofiyay illaa 25,000 oo neef oo geel ah, kuwaas oo ku wajahan qaar ka mid ah dalalka ku yaala Khaliijka Carabta.
Dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Cummaan ayaa geelan la gaadhsiin doonaa, iyadoo intooda ugu badanna Sucuudiga loo rari doono.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkan xayiraadii ka qaaday xoolaha uga iman jiray Soomaaliya, balse xayiraadda la qaaday ayaa ah mid ku meel gaadh ah oo aan rasmi ahayn kadib hilib yaraan laga dareemay gudaha Sucuudiga.