Hindiya waxay noqotay dalka labaad ee saamaynta ugu xun uu ku yeeshay xanuunka Covid-19, waxayna kor martay dalka Brazil oo hore u ahaa dalka labaad ee sida ba’an uu ugu dhuftay xanuunku guud ahaan caalamka.

Isniinta maanta ayay kiisaska guud ee dalka Hindiya kor u dhaafeen 4.2million oo qof. Dalka Brazil ayay Hindiya ka badantahay ku dhawaad 70,000 oo kiis marka la is barbardhigo labada waddan.

90,000 oo kiis in ka badan ayaa la diwaan galiyaya maalinta Isiininta oo kaliya gudaha dalka Hindiya oo ah kan labaad ee ugu dadka badan guud ahaan dunida.

Dhimashada Hindiya ayaa iyadu yar marka kiisaska la eego. Shantii maalmood e lasoo dhaafay, waxa la diwaan galinayay 1000 kiis oo dhimasho ah maalin walba.

Dalka Maraykanka ayaa wali isagu ah dalka ugu mashqada badan dunida oo dhan. 6million oo kiis ayaa laga helay gudaha dalkaas. Balse Hindiya ayaa kaga duwan imika sida ay kiisasku u kordhayaan oo xawaare ku socota.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga