Turkiga ayaa hadalo hanjabaad u diray dalka Armeeniya oo dagaal todobaadkii sadexaad galayaa uu u dhaxeeyo.

Xukuumadda Ankara waxay Armeeniya ugu baaqday in ay iskaga baxdo gobolka Nagorno-Karabakh oo dalka Azerbijaan ay ku dagaalamayaan.

Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ka hor xabbad-joojinta, ay Armeeniaya ka baxdo dhammaan deegaanada gobolka, intaa ka dibna wada hadalka la furo.

Waa hadalo uu madaxweynaha Armeeniya si adag u duray, kanasoo hor jeedsaday.

Turkigu wuxuu sheegay in aan loo baahnayn 30 sanno oo kale colaada labada waddan ay sii jiitanto, imikana ay tahay in xal rasmi ah la gaadho.

Dunidu gobolka lagu dagaalamayo waxay u aqoonsantahay qayb ka mid ah Azerbijaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga