U.S. President Donald Trump stands on the Truman Balcony after the president underwent a fourth day of treatment for the coronavirus disease (COVID-19) as he returns to the White House in Washington, U.S., October 5, 2020. REUTERS/Erin Scott

Donald Trump wuxuu mar kale ku laabanayaa shaqadiisa maalinlaha kadib xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ku dhacay maamlmo ka hor.

Dhakhaatiirta la tacaalaysay caafimaadka madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay maalinta Sabtida uu kusoo noqonayo shaqada dadweynaha.

Waa tallaabo ay masuuliyad-darro ku tilmaameen kuwa dhaliila Trump, oo duray sida uu uga fal-celiyay xanuunka ku dhacay.

Dhakhtarka Sean Conley ayaa war kasoo baxay Aqalka Cad wuxuu ku sheegay in Trump uu qaatay dhammaan daawayntii la siiyay, isla markaana aanay jirin wax calaamad ah oo muujinaysa in xanuunka Trump uu kasii darayo.

Xaaladiisa caafimaad ayuu ku tilmaamay mid mid si buuxda u sugan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga