Dawladda Turkiga ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, iyadoo xukuumadda madaxweyne Erdogan ku baaqday xabbad joojin degdeg ah.

Ankara waxay xustay in ay diyaar u tahay dhexdhexaadin ay ka gasho dagaalada Itoobiya ka aloosan, iyadoo miiska wada ahdalka iskugu keenaysa dawladda Itoobiya iyo jabhadda ay dagaalamayaan ee TPLF.

Turkigu wuxuu tibaaxay in uu danaynayo xasiloonida dalka Itoobiya, xili uu dhawaan dalkan la saxeexanayo heshiis lagu siinayo diyaaradaha aan cidi wadin ee Turkigu uu farsameeyo.

Weli waxa socda isku dhacyo goosgoos ah balse Tigrayga ayaa joojiyay in ay ku siqaan dhanka caasimadda kadib markii bulshada caalamku ay usoo jeediyeen in aanay wax duulaan ah ku qaadin caasimadda oo hoy u ah diblomaasiyiinta ugu badan ee Afrika jooga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga