Raysalwasaaraha Ciraaq wuxuu sheegayaa in uu ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo.

Mustafa al-Kadhimi oo warbaahinta la hadlay wuxuu tibaaxay in si badheedh ah loosoo agaasimay shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo.

Saraakiisha ayaa sheegaya in isku daygan loo adeegsaday diyaarad yar oo ah nooca la hago ama donre-ta loo yaqaano, taas oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa, balse raysalwasaaraha ayaa ka badbaaday.

Illaa 6 qof oo ka mid ah shaqaalaha raysalwasaare al-Kadhimi ayaa ku dhaawacmay weerarka iyadoo cibitaalad aloola cararay.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse goobta uu ka dhacay ayaa welwel abuuraysa xili ay hoy u tahay badi hay’adaha dawladda iyo safaaradaha shisheeye ee Ciraaq ku sugan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga