Dawladda Turkiga ayaa skar dheeraad ah mar kale u tababaraysa dawladda Soomaaliya, iyadoo hore uu Turkigu ciidamo badan ugu tababaray dalkan ku yaala Bariga Afrika.

450 askari ayaa imika loo furayaa tababarka waxayna qayb ka noqonayaan ciidamada lugta ee milatariga Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Ciidamadan cusub waxa loogu talo galay la dagaalanka argagixisada.

Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaray in ka badan 15,000 oo askari oo imika ku jira ciidamada xooga Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga