Urur goboleedka IGAD wuxuu walaca wayn ka muujiyay mid ka mid ah maraakiibta saliida xambaarta ee ku sugan biyaha Badda Cas oo ay jaar la yihiin qaar ka mid ah wadamada ururka ku jiraa.

War kasoo baxay IGAD ayaa lagu xusay in markabka FSO SAFER oo Yemen laga leeyahay aan la ogayn xaaladiisa tan iyo sanadkii 2015. Taas oo keeni karta khatar deegaan oo waxyeelo ballaadhan u gaysan karta biyaha Badda Cas.

Markabka oo muddo badan shaqaynayay ayaa imika ku xidhan xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen.

Xogahyaha guud ee urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu wuxuu xusay halista deegaan ee ka dhalan karta hadii saliida markabku ay gasho badda.

Hadii saliida markabku ay baxdo waxay mar kale sii xumayn kartaa xaaladda bini aadamnimo iyo dhaqaale ee dalka Yemen oo markii horeba cakiran, iyadoo sidoo kale waxyeelo u gaysan karta xeebaha galbeedka oo ay dhacaan wadamo ururka xubin ka ah.

Ugu dnabayn uru goboleedka IGAD waxay ugu baaqeen bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobay in ay wax ka qabtaan markabkaas si looga hor tago khatarta uu keeni karo, sila markaana laga qayb qaato dib u dayac tir lagu sameeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga