Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay kiiska gabadh lagu dilay magaalada Burco ee xaarunta gobolka Togdheer kadib kufsi loo gaystay marxuumaddaas.

Muuse Biixi Cabdi ayaa yidhi “Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadaynayaa, gaar ahaan ardayda maanta ka qalinjabinaysa Jaamacadda Burco, gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardayda qalin-jabinaysa jaamacadda, waxaanan farayaa hay’addaha gar-soorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo, balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga