Laba Tuhmane ayaa lagu Hayaa Xeradda Booliska Magaaladda Bururu ee Deegaanka Oromadda ee Dalka Itoobiya, Kuwaas oo Lagu Tuhunsan yahay inay ka Danbeeyeen Qarax ka dhacay Xarunta Booliska ee Magaaladaasi.

Xafiiska arimaha isgaadhsiinta Gobolka Oromadda ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Fana in Qaraxii ka dhacay Xeradda Booliska Oromada ee magaalada Burayu uu ahaa subaxnimadii shalay.

Sagaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawac fudud ka soo gaadheen qaraxan oo dhacay 30 daqiiqo ka hor, Xiligii ay Shaqadda Xeradu Furmaysay.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska oo dhaawacmay ayaa lagu daweeyay halkaas, halka siddeeddii Kalena loo qaaday cisbitaalka booliiska ee Addis Ababa si loogu daweeyo.

Tuhmanayaasha ayaa hada lagu hayaa xero ay leeyihiin booliska oromada, sida ay shegeen xafiiska Arimaha isgaadhsiinta Deegaanka Oromadu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga