Gabadh ay walaalo yihiin dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salman, ayaa lagu helay in ay ilaaladeeda ku khasabtay in ay garaacaan qof shaqaale ah xili ay ku sugnayd magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Xassa bin Salmaan ayaa lagu ehlay eedaymo hore loogu jeediyay, iyadoo maxkamaddu sheegtay in ay qayb ka qaadatay jidh-dil iyo afduub lagu sameeyay qof shaqaale ah. Waxay sheekadu dhacday saddex sanno kahor iyadoo degen guri kuwa raaxada ah oo ku yaala Paris.

Amiradan oo 43 sanno jir ah ayaa beenisay dhamaan eedaymaha loo haysto.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga