Dalka Kenya ayaa noqonaya waddankii sadexaad qaaradda Afrika ee lagu tijaabiyo talaalka cudurka duumada, iyadoo hore tallaalkan loogu tijaabiyay dalalka Ghana iyo Malawi. Kenya ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah deegaanada qaar si rasmi ah looga bilaabo.

Guud ahaan saddexdan dal, in ka badan 300,000 oo carruur oo ka yar da’da 2 sanno ayaa la filaya in la siiyo tallaalkan sannad kasta.

Tallaalkan lagu magacaabo RTS,S ayaa muddo 30 sanno ah lagu howlana, waxaana lagu tijaabiyay in difaaca jidhku uu iska celin karo weerarka caabuqa Malaariyada ee ka dhasha qaniinyada Kaneecada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga