Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, wuxuu jeediyay khudbaddii uu ku metelayay dadka Maraykanka, marka la joogo golaha guud ee qaramada Midoobay.

 

Muddo 7 daqiiqo ah, oo uu u hadlayay si aan kala go’ lahayn, wuxuu soo qaatay arrimo badan, kuwaas oo ay ugu door-roonaayeen, la dagaallanka Maraykanka ee cudurka Covid-19, isbedelka cimilada kululaanaysa ee adduunyada, quwadda xoogga wayn dhanka Militari ee Maraykanka sidaas oo ay tahay jacaylka dalkiisu u qabo nabadda, heshiisyadii bariga dhexe ee qaar kamid ah dawladaha carabta iyo Yuhuudda iyo midkii Serbia iyo Kosovo.

 Trump, ayaan sidoo kale illaawin inuu sheego khaarajintii Maraykanku uu khaarajiyay hoggaamiyihii kooxda ISIL Abubakar Albaqdaadi iyo taliyihii reer Iraan Qaasim Sulaymaani.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa bilowgii khudbaddiisa xusay halganka ay la galeen xanuunka Coronavirus, kaasi oo uu ku tilmaamay kii ugu darnaa tan iyo dagaalkii labaad ee adduunyada, Trump oo la hadlaya madaxda adduunka, ayaa Corona-ha ku tilmaamay inuu yahay ‘’Fayraska Shiinaha’’, wuxuu sheegay in Maraykanku uu diyaariyay saddex tallaal oo lagula tacaalayo, kuwaas oo ku jira ‘’tijaabadii caafimaad’’ , isagoo hadalkiisa sii wata madaxwaynaha Maraykanku wuxuu sheegay in Coronuhu uu adduunka ka dilay nafo tiro badan isagoo saamayeeyay dalal ka badan 188 dal.

Dalkiisa Maraykanka ayuu amaanay, isagoo sheegay inuu la galay Coronavirus-ka dagaal adag, wuxuu sheegay in Shiinuhu uu duulimaadyada gudaha xidhay markiiba, balse uu ogolaaday duulimaadyada dibadda uga baxaya, si uu fayraska ugu faafiyo dunida.

Trump wuxuu sheegay in WHO haayadda caafimaadka u qaabilsan adduunka iyo Shiinuhu ay ka been sheegeen cudurka iyagoo marba wax u sheegayay dadka adduunka, waxaanu soo jeediyay in Shiinaha lala xisaabtamo.

Madaxwaynaha Maraykanku wuxuu ku nuux nuuxsaday awoodda ballaadhan ee uu dalkiisu leeyahay, isagoo u muuqda inuu ku cabsi gelinayo dalalka kale, ayaa waxaa uu sheegay inaanu jirin dal lamid ah, iska daaye xitaa mid usoo dhow Maraykanka.

Madaxwayne Trump wuxuu sheegay inay dhiseen muddo saddex sanno ah dhaqaalaha ugu ballaadhan adduunka, isagoo dilkii taliyihii Qaasim Sulaymaani ee reer Iiraanna ku tilmaamay inuu ahaa argagixiyaha ugu wayn

Madaxwaynaha Shiinaha Xi Jingping oo ka hadlay isna kulanka golaha guud ee qaramada Midoobay, ayaan si toos ah ugu jaawaabin madaxwayne Trump, waxaanu sheegay uun ahmiyadda ay leedahay nabad ka wada shaqaynta nabadgeliyada adduunka iyo iskaashiga dawladaha adduunka oo idil.

Madaxwayne Xi ayaa u muuqday sidii hoggaamiye qunyar socod ah oo aan doonayn yooyootan dhex mara isaga iyo madaxwayne Trump.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga