Kooxda alShabab ee ka dagaalanta koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ayaa xukun dil ah ka fulisay mid ka mid ah deegaanadeeda.

Deegaanka Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayay alShabab ku toogatay nin lagu eedeeyay in uu ahaa sixiroole deegaanka uu deganaa dhibay.

Lamaane is qabay ayaa la sheegay in uu ninkani falay si ay u kala tagaan isla markaana uu guurkoodu u burburo.

AlShabab ayaa inta badan deegaanada ay maamusho ka fulisa xukuno dil ah, waxaana todobaadadii ugu danbeeyay la dilay dad lagu eedeeyay basaasnimo iyo sixir.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga