Ninkii sida wayn u dhaliili jiray madaxwaynaha Ruushka Putin ee Alexei Navalny, ayaa laga saaray cisbitaal ku yaalla magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka, halkaasi oo la sheegay in lagaga dawaynayay kadib markii lagu sumeeyay sunta Novichok oo waxyeellaysa dareemayaasha.

Cisbitaalka Charite, oo ahaa midkii lagu dabiibayay ninkan, ayaa warbaahinta u sheegay in Mr. Navalny uu si dhammaystiran usoo kabtay.

Ninkani ayaa sawir uu soo geliyay barihii bulshada, markaas oo uu taagnaa iyada oo aanay cidina taageerayn waxaa uu ku sheegay, in dhakhaatiirtu ay siiyeen fursad kasta oo uu kusoo kaban karay.

Kooxaha la shaqeeya ninkan sida dhowna u taabacsan ayaa sheega in lagu sumeeyay amarrada madaxwayne Putin, balse aqalka Kremlin-ka looga arrimiyo Ruushka ayaa si wayn u beeniyay wararkaasi, kuwaas oo ku tilmaama kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Alexei Navalny ayaa ah hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka, kaas oo ku bukooday Siberia, diyaarad gaar ahna lagaga qaaday halkaasi illaa Charite Hospital oo uu kusoo kabtay hadda.

Cisbitaalka ku yaalla magaalada Berlin ee lagula taacalayay xaaladdiisa, ayaa waxaa uu sheegay inuu ku sugnaa muddo 32 cisho oo uu 24 cisho kujiray qaybta xaaladaha aadka u liita la dhigo ee ICU-ga.

Madaxda reer galbeedka ayaan weli go’aan rasmi ah ka gaadhin sumaynta ninkani, iyadoo maadada Novichok oo uu farsameeyay midowgii Soofiyeetku tahay mid baaralays ka dhigta murqaha jidhka, oo uu xitaa kujiro muruqa wadnuhu, ayaa adduunyadu ay dhowraysaa waxaa ay reer galbeedku ka yeeli doonaan ama tallaabada ay ka qaadi doonaan Ruushka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga