Dawladda Shiinaha, ayaa si adag uga jawaabtay Maraykanka kadib markii Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu ku tilmaamay cudurka coronavirus ‘’Fayraska Shiinaha’’

Xukuumadda Shiinuhu waxay Salaasadii sheegtay in hadalka kasoo yeedhay Trump oo ahaa in dawladda Maraykanku ay taageeri doonto ganacsiyada sida kuwa diyaaradaha ee buu yidhi uu saameeyay wax uu uu ugu yeedhay ‘’Fayraska Shiinuhu’’.

Xukuumadda Shiinuhu waxay ku tilmaamtay mid bilaa macne ah oo looga dan leeyahay uun ceebayn.

Qoraallo lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa waxaa lagu sheegay in isticmaalka magacyo baa layidhi cunsurinimo iyo nacayb ah si dillaaca cudurka loogu eedeeyo waddamo kale, ay muujinayso keliya masuuliyad-darrada siyaasiyiinta iyo baa layidhi waxqbad la’aantooda, taasoo sii kordhin doonta cabsida laga qabo Fayraskan.

Shiinuhu waxa uu ugu yeedhay dawladda Maraykanka inay joojiso eedamaha aan qiilka loo heli karin ee ka dhanka ah dalka Shiinaha ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinuhu

Shiinaha iyo maamulka madaxwayne Trump, ayuu muddoba u dhexeeyay dagaal dhanka afka ah, kaasoo sal ku leh dhanka dhaqaalaha, Trump ayaa hore ugu eedeeyay Shiinaha inuu dhacayo Maraykanka, kaasoo markii uu ololaha ku jirayna dhawr jeer u gaystay aflagaaddooyiin kala duwan.

Hadalka uu Trump ku eedeeyay Coronavirus inuu yahay Fayraska Shiinaha, ayaa waxaa si wayn uga cadhooday bulshooyinka Chinese-ka ah ee kunool dalka Maraykanka.

Coronavirus, ayaa markii ugu horraysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalkaasi Shiinaha.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga