Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa fasax galisay dhamaan goobaha waxbarashada, si looga hor tago fiditaanka caabuqa Covid-19 oo kiiskii ugu horeeyay laga helay gudaha Soomaaliya.

Raysalwasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa go’aankan shaaciyay, iyadoo xukuumadiisu ay mamnuucday isu-soo-baxyada dadweynaha iyo dhammaan goobaha ay mujtamac badani ku kulmi karaan.

Cisbitaalka Martini ayaa loo qoondeeyay in lagu daweeyo hadii ay soo baxaan bukaano qaba caabuqan, iyadoo dawladduna ay $5 million meel u dhigtay wax ka qabashada faafida cudurka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga