Sawirka waxa qaaday Future Brothers.

Baadhitaano ayaa ka socda magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo habeenkii xalay ahaa lagu dilay taliyihii sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland.

Cabdiqani Guhaad, ayaa dablay hubaysani ay gurigiisa hortiisa ku toogteen xalay, iyagoo markii danbana ka baxsaday goobta.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland ee gobolka Sool ayaa sheegay in dad ay u qabteen kiiskan, dadkaas oo looga shakisanyahay in ay lug ku lahaayeen ama ka danbeeyeen dilka taliyaha. Wuxuu intaa ku daray in ay u gudbin doonaan laamaha danbi-baadhista si dadkan baadhitaan loogu smaeeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga