Donald Trump kama qayb gali doono caleemo-saarka Joe Biden, madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo Arbacada la wareegaya talada.

Maalinta xil-wareejinta ayuu ka bixi doonaa Aqalka Cad isagoon munaasibadda kasoo xaadiri doonin, lamana oga sababta.

Xaflad gaar ah oo sagootin ah ayuu Trump qabsan doonaa sida ay ku warantay warbaahinta Maraykanka oo xiganaysa ilo ka ag dhaw Trump.

Trump wuxuu noqonayaa madaxweynihii 4-aad ee Maraykan ah ee aan kasoo xaadirin xaflada caleemo saarka madaxweynaha xiga, sidoo kale wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee taariikhdan casiga ah tallaabadaas qaada. Maraykanka waxa ugu danbaysay 150 sanno ka hor.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga