Beesha Caalamka ayaa mar kale wada dedaalo xoogan oo ay ku rabto in lagu xaliyo khilaafka ka jira doorashada Soomaaliya ee ka dhaxeeya dawladda dhexe iyo xubnaha maamul goboleedyada.

Xubno uu horkacayo danjiraha Qaramada Midoobay James Swan ayaa wada dedaalo lagu qabanyo shir ay iskugu yimaadaan dhinacyada is diidan, balse madaxweyne Farmaajo ayaa mar hore ka gaabiyay in dhinacyadu ay isku yimaadaan isagoo raba in heshiiskii Dhuusamareeb lagu ekaado.

Jubaland iyo Puntland ayaa iyagu raba in miiska wada hadalka lagu dhameeyo khilaafka jira, balse dawladda ayaa ku adkaysanaysa in doorasho laga qabto dalka iyadoo ka bilaabaysa saddexda maamul ee imika ay heshiiska la tahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga