Cabsida weeraro Maraykanka ka dhaca oo sii kordhaysa

Cabsida ayaa sii kordhaysa gudaha Maraykanka maalinta uu xilka la wareegi doono Joe Biden oo ku beegan Arbacada todobaadkan.

Taageerayaasha Trump ayaa isku diyaarinaya weeraro hubaysan oo ay ka fuliyaan dhammaan 50 gobol ee ku koobanyahay Maraykanku. Waxay rabaan in ay qas kala hor tagaan caleemo-saarka Joe Biden.

Hay’adda FBI ayaa soo saaraysa digniino is daba joog ah oo ku aadan xogo ay helayso oo la xidhiidha weerarada qorshaysan.

Ciidamada ammaanka qaranka oo tobanaan kun gaadhaya ayaa adkeeyay ammaanka gobolo badan oo magaalada Washington ay ugu horayso.

Donald Trump kamasoo xaadiri doono munaasibadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub, balse wuxuu balan qaaday in uu talada si nabad ah ku wareejin doono.

Badi magaalada Washington ayaa albaabada loo laabayaa Arbacada oo ah maalinta caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga