Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa guulo kale ka sheegtay dagaaalka ay kula jiraan ciidamada TPLF ee Tigrayga, iyadoo deegaankii ugu danbeeyay ee dhulka Amxaarada laga saaray TPLF.

Magaalada Sekota ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidamaa dawladda Itoobiya iyadoo magaaladani ah mid wax yar u jirta magaalada Maqalle ee caasimadda Tigrayga.

Sekota ayaa muhiim u ah kolba cidii gacanta ku haysa, iyadoo ciidamada Itoobiya ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan dullaanka ka dhanka ah TPLF.

Dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya ayaa aqbalay wada hadal, balse dagaalka ayaa weli socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga