Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa mar kale ka dhacay dagaal hub culus la isku adeegsaday iyadoo ay jabtay xabbad joojintii ay kiu dhawaaqeen dhinacyadu.

Xalay abaara a12-kii habeenimo ayay bilaabantay rasaastu iyadoo hub culus la isku adeegsaday lagana maqlayay magaalada daryanka madaafiicda.

Lama oga cidda xabadda bilawday balse dagaalka ayaa ah mid wakhti kasta qarxi kara mar kale.

Saaka magaalada ayaa jawigeedu degenyahay balse cabsi xoogan ayaa jirta iyadoo badi magaalada laga qaxay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga