Daraasado cusub ayaa lagasoo saaray nooca fayraska cusub ee Omicron ee ka mid ah Covid-19, xili dunidu ay walaac wayn ka qabtay fayraskan.

Laba daraasadood oo kasoo baxay dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in aanu fayraskani ka halis badnayn nooca loo yaqaano Delta oo hore tallaalka loogula tacaalay.

Waxa sidoo kale ay khubarada caafimaadku ogaadeen in 30-70% ay dadku u baahan karaan cisbitaalka, hadii kale ay kula tacaali karaan kolba meesha ay joogaan ee ay isku karantiilaan.

Warkan oo lagu farxay ayaa imanaya iyadoo dunida laga cabsi qabay in Omicron uu fido inta lagu jiro dabaal degga sanadka cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga