Labada ciyaaryahan ee kala ah Fikayo Tommori iyo Tammy Abraham ee u safta naadiga Chelsea ee ka dheela horyaalka Ingiriiska ayaan wali qaadan go’aan rasmi ah oo ku aadan xulka ay u ciyaari doonaan mustaqbalka.

Labada ciyaaryahan waxa aad u danaynaya waddanka Ingiriiska oo raba in ay xulkiisa si toos ah ugu saftaan ciyaaraha qaaradda Yurub ee sanadka 2022-ka, balse wali waxa ay haystaan jaanis ay ugu saftaan waddankooda Nigeria, maadaama aanu midkoodna wali kulan caalami ah u safan Ingiriiska.

Waxa jira cadaadis-qoys oo labadoodaba saaran, kaas oo lagu riixayo in ay u ciyaaraan dalkooda Nigeria.

Tommori oo 21-jir ah daafacana ka ciyaara iyo Abraham oo 22-jir weerar ah ayaa kubadooda aad loola dhacay, iyadoo Ingiriiskuna uu siiyay jaanis ay ugu ciyaari karaan xulkiisa qaranka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga