Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in guurka aad doorato qof aad is-fahmaysaan oo ku taageera ay kuu saamixi karto in aad ka dhabayso riyooyin badan oo aad lahayd. Diraasadda oo lagu daabacay bogga jaamacadda Carnegie Mellon University ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay caddaymo dhawr ah.

Marka aad haysato qof ku taageeraya, waxa aad si fudud u xalin kartaan dhibaatooyinka aad wakahaysaan oo dhan, sida ay diraasaddu tilmaamayso. Waxa ay tusaale usoo qaateen dad ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo xaaskiisa, aasaasaha Facebook iyo xaaskiisa, iyo dad kale oo guulo muhiim ah ka gaadhay nolosha iyagoo haysta rafiiq taageero badan u muujiyay.

Dad badan ayaa qaba run ahaanshaha aragtida noocan ah, sida ay xog-ururintu tilmamaayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga