Waxa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga lixaad ee baarlmanka federaalka Soomaaliya, iyadoo uu ka qayb gali doono madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si rasmi ah u daahfuri doona kalfadhiga labada aqal ee uu ka koobanyahay baarlamanka Soomaaliya, isagoo halkaa ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo khusaysa arimaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa kalfadhigan ka qayb gali doona gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti oo maalmahan bookhasho ku joogay Soomaaliya.

WARARKA BAARLAMANKA OO DHAMMAYSTIRAN KALA SOCO WARBAAHINTA SAAB, IYO BARAHAYAGA BULSHADA.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga