Milatariga dalka Niger waxa lagu eedeeyay dilka tobanaan qof oo shacab ah, oo ay dileen xili hawlgalo ay ku jireen.

Komishanka qaranka ee xuquuqda aadanaha ayaa war uu soo saaray ku sheegay in milatarigu ay dadkaas laayeen. Warka ayaa lagu xusay in ay heleen 6 xabaal-wadareedyo ah oo lagu aasay in ka badan 70 qof oo la laayay.

Waqooyi galbeed dalka Nigeria ayaa lagu laayay dadkan, xili gobolka ay ka socdeen hawl-galo lagu baacsanayay kooxo lagu tilmaamay argagixiso oo halkaas ka jira.

Warbixinta komishanka ayaa lagu xusay in horaantii sanadkan dadka la laayay. Qaar ka mid ah baadhitaanada ayaa sheegaya in dadka qaarkood uu hub culusi laayay halka kuwo kalena rasaas fudud lagu dilay.

102 qof oo kale ayaa lagu la’yahay rabshadaha gobolka ka socday mudooyinkii ugu danbeeyay sida mar kale lagu sheegay warka komishanka xuquuqda aadanaha ee Niger.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga