Antonio Gutteers, xoghaya guud ee qaramada midoobay, ayaa ku baaqay in dhammaan la xidho xarumaha lagu hayo muhaajiriinta ee ku yaala dalka ay colaaduhu ka jiraan ee Libya. Halkaas oo boqolaal kun oo muhaajiriin ahi ay imika ku suganyihiin.
Mr. Gutteres ayaa cambaareeyay wax uu ku sheegay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka jira xeryaha dadka lagu haysto ee Libya.
“Ma jiro wax qeexi kara xaaladda muhaajiriinta ku sugan Libya, ee la haysto” ayaa lagu yidhi war uu soo saaray Antonio Gutteres. Kaas oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu ugu baaqay dawladda Libya in ay wax ka qabato xaaladda muhaajiriinta tacadiyada loo gaysto, isla markaana ay si khasab ah u xidho dhammaan xarumaha.
Ku dhawaad 3,000 oo muhaajiriin ah ayaa imika ku jira gacanta budhcad xeryo ku haysata, sida lagu sheegay warka Gutteres, kuwaas 22% ay yihiin caruur.
Dalka Libya ayaa qasnaa tan iyo sanadkii 2011-kii, markaas oo Mucaamar alQadaafi laga tuuray xilka.
Kooxo budhcad ah ayaa bilaabay in ay xarumo ku afduubtaan muhaajriinta beegsanaysa qaraadda Yurub, kuwaas oo kumanaan dollar oo madax-furasho ah ay qaataan.