Cudurka Coronavirus ayaa gaadhay qiyaas hor leh, iyadoo in kabadan 200,000 kiis guud ahaan adduunka oo dhan la xaqiijiyay. 

Tirada kiisaska la xaqiijiyay, ayaa soo labalaabmatay adduunka oo dhan muddo 12 cisho ah.

Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka oo iyadu si dhow ula socotay tirada dadka uu asiibayo iyo kuwa u dhimanaya cudurka Coronavirus, ayaa sidan sheegtay maalintii arbacada.

Ugu yaraan 7, 954 qof ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay u geeryoodeen cudurka COVID-19 adduunka oo dhan sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, balse haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dadka u geeryooday ay yihiin 7, 529 qof iyadoona uu Fayrasku saamayay qiyaastii 150 dal.

Coronavirus, ayaa si toos ah iyo si dadbanba u saamayay dunida, iyadoo qaaradda Yurubna ay tahay ta imika la xarbiyaysa cudurka, taas oo sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP uu ku sababay geeri ka badan isku gaynta dadka uu ku laayay qaaradda Eeeshiya.

Talyaaniga oo keliya, ayaa diiwaangeliyay dhimasho ka badan 2,500 oo qof, halka ay Spain sheegtay in cudurkani dilay 550 oo kamid ahaa muwaadiniinteeda.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga