Diyaaradda Flydubai ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subixii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Flydubai ayaa qorshaynaysay in ay rakaab keento gegeda Cigaal, halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta SAAB u xaqiijiyay in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib soo-degidda loo diiday.

Arintan ayaa imanaysa xili dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah ee dalkeeda yimaada, balse Somaliland may joojin duulimaadyada Imaaraadka.

Xukuumadda Somaliland wali kamay hadal arintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga