Inta la og yahay shan qof ayaa dhimatay, 21 kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo ka dib markii weeraro ay ka dhaceen magaalooyin ku yaala Gobolka Texas ee wadanka Maraykanka.

Warkan oo laga soo xigtay ciidamadda booliska ee dalka maraykanka ayaa intaasi ku daray in ay nin gaadhi wata oo hubaysani uu weerarkani fuliyay isaga oo aan u kala aabo yeelin dadka, iyada oo uu weerarku ka dhacay  Odessa iyo Midland.

Boolisku waxay sheegeen in ninka falkaa geystay ahaa nin cadaan ah oo isna toogasho lagu dilay, laakiin waxa jira warar kale oo sheegay in ay dabley kale baxsadeen oo lagu raad joogo.

Boolisku waxay intaa ku dareen in ilaa haatan aan la ogaan sababta ay dableydaasi dadka u toogteen.

Toogashadani waxay dhacday afar toddobaad uun ka dib markii nin dabley ahi magaalada kale ee El Paso oo ku taal isla gobolka Texas uu toogasho ku dilay 22 qof 24 kalena ku dhaawacay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga