Waxa maanta oo ah 1 September 2019, meelo badan oo dunida ah laga xusay sanad-guuradii 80aad ee ka soo wareegta maalintu bilaabmay dagaalkii labaad ee dunida (World War II) kaas oo 1 September 1939 ka bilaabmay dalka Poland.

Meelaha xusaska waa weyn lagu qabanaayo waxa kamid ah dalka Poland oo ah halku ka bilaabmay dagaalku subaxnimadii 1 September 1939, kadib markay diyaaradaha Dalka Germany garaaceen magaalada Wielun kuna dileen dad badan oo shacbi ah si ay u argagax galiyaan dadka, halkaas oo dad aad u tiro badan ku naf wayeen. Waxa lagu qiyaasa 6 ila 5 Milyan oo dad ah inay Poland kaga dhinteen dagaalkaas taas oo gaadhaysay xiligaas 17% dadka kunoola dalkaas.

Waxa dalka Poland kaga qaybgalaya xuska Dagaalkii labaad ee dunida madax badan oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Germany, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka iyo Madaxkale oo dalal badan matalaaya.

Dhanka kale tirooyin kala duwan ayaa la sheega inay ku dhinteen dagaalkii labaad ee aduunka taas oo gaadhaysa ila 70 malyan oo dad ah, kuwaas oo isugu jiray askartii dagaalamaysay, shicibkii diyaaradaha iyo duqaymaha kala duwan ku dhintay iyo dadkale oo siyaabo kale nafohooda loo galaaftay tiradan ayaa gaadhaysay 3% ku dhawaad dadkii wakhtigaas aduunka ku noola. Dagaalkii 2aad ee aduunka ayaa lagu tilmaama mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badna khilaafaadka soo maray dunida.

Dagaalkii labaad ee dunida ayaa si weyn u badal taariikhda, maamulka iyo nolosha aduunka isla markaan dib u qabayn xoogan ku sameeyey nidaamka dunida casriga ah maanta u wada shaqayso iyo hayadaha caalamiga ah ee dunida ka hawlgal sida UN – Qaramada Midoobay.

Dalka Poland ayaa wali sida ay sheegen wada xisaabitan khasaaraha ka soo gaadhay dagaladaas inta ay leegtahay lacag ahaan, isla markaan ku doodaya inay helaan mag-dhaw.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga