Tigrayga ayaa aqbalay in ay xabbad-joojin sameeyaan balse waxay ku xidheen shuruud in ay dhaqan gasho xabbad-joojinta ay dawladda Itoobiya shaacisay.

Shuruudahan waxa ugu muhiimsan in ciidamada Ereteriya ee weli ku sugan deegaanada Tigraygu ay halkaas iskaga baxaan, iyo sidoo kale in ciidamada Amxaarada ee Abiy Axmed daacadda u ahi ay ku noqdaan deegaanadooda, xili ay ciidamada Abiy Axmed siiyeen taageero xoogan mudada 8-da bilood ah ee uu socdo dagaalka gobolka Tigray.

Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sidoo kale dalbaday in si buuxda loosoo celiyo dawladdii ay lahaayeen, maamulkooduna uu sidii hore usii shaqeeyo.

Kooxa gargaarka ayaa raba in ay deeqo kala duwan gaadhsiyaan dadka lagu qiyaasay 400K ee ku sugan gudaha gobolka kuwaas oo gaajo u dhimanaya, balse waxa la jaray laba biriish oo waawayn oo ah kuwo muhiim u ah isu socodka, ixli duulimaadyadana laga joojiyay gudaha Tigrayga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga